Fadeexada ka dhalatay cod sir ah oo laga qabtay Sirdoonka Masar iyo xiisada Qudus

Published: January 9, 2018

Telefishinada dalka Turkiga ayaa bilaabay inay siidaayaan cod sir ah oo laga duubay sarkaal ka tirsan sirdoonka Masar oo warbaahinta Masar ku cadaadinaya inaysan ka hadal xiisada Qudus iyo go` aankii uu bishii hore gaaray Madaxweynaha Maraykanka Trump oo u aqoonsaday Qudus caasimada Israel.

Warkan ayaa ahaa mid markiisii ugu horeysay ay Sabtidii shaacisay jariirada New York Times ee Maraykanka laga leeyahay, waxaana lagu sheegay codkan in laga duubay sarkaal lagu magacaabo Kabtan Ashraf el-Kholi oo kamid ah sirdoonka Militariga Masar, ninkaasi oo khadka telefoonka ka wacay qaar kamid ah suxufiyiinta iyo daadihiyaasha barnaamijyada ka baxa telefishinada wadankaasi Masar.

Sarkaalkan ayaa isku dayey in barnaamijyada caanka ah ee ka baxa Telefishinada Masar aysan buun buunin waa siduu hadalka u dhigayee go` aankii Donald Trump ee ku aadanaa magaalada Qudus.

Wuxuuna sarkaalkan sheegay in Masar aysan diyaar u ahayn kacdoon shacab iyo waliba dagaal ka dhan ah Israel, isagoona intaasi raaciyey in Falastiiniyiinta ku khasban yihiin go`aankan inay aqbalaan, wuxuuna sheegay in laga rabo Falastiiniyiinta inay ku qancaan magaalada ay hada xukumaan ee Ramallah.

Arrimaha uu ka hadlay kabtankan ayaa waxaa kamid ahaa in Masar ay kasoo horjeedo kacdoon shacabka carabta ah maadaama taasi ay dib awood u siin doonto kooxaha islaamiga ah iyo kooxda Xamaas ee ka talisa marinka Gaza.

Dowlada Masar ayaa iska fogeysay codkan sirta ah ee laga duubay sarkaalkan waxayna ku eedaysay jariirada New York Times inaysan cadeyn u hayn qofkan ay ku sheegeen sarkaalkan inuu ka tirsan yahay sirdoonka Masar iyo inkale.

Afhayeenka dowlada Masar ayaa sheegay in wadankooda uu kamid yahay dalalkii ugu horeeyey ee kasoo horjeestay go`aankii Donald Trump ee Qudus. Balse warbixintan oo hada sii faafeysa ayaa ah mid sii xoojineysa tuhunka laga qabay in hogaaiyayaasha dalalka Carabta si hoose kala shaqeeyaan siyaasada Maraykanka ee ku aadan Israel iyo Falastiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *