Fanaanada Muna Xidigta oo ku geeriyootay Muqdisho

Published: May 9, 2021

Allaha u naxariistee Muno Daahir Xasan Muna Xidigta oo kamid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Fanaanadan ayaa lagu soo waramayaa in ay u geeriyootay xanuun kadis ahaa oo mar qura kusoo booday.

Waxa ay kamid ahayd fanaaniinta mudooyinki dambe kunoolaa magaalada Muqdisho waxaana horey uga tirsanayd kooxda fanka ee waaberi Puntland.

Eeebe ha raxmadee marxuumadda ayaa fankeedu uu soo shaacbaxay sanadkii 2011 xiligaas oo ay masraxyada kusoo bandhigtay heeso isugu jira wadani iyo jacayl.

Geerideeda ayaa lama filaan ah ku noqotay ehelkeeda iyo saaxiibadii ay fanka kuwada jireen maadaama aan lagu ogeyn xanuun sida uu sheegay Gudoomiyaha kooxda Mahuraan Band Abwaan Maxamed Dhagaafe cilmi oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha ka howlgala Puntland.

Waxaa durba geerideeda waxaa ka tacsiyeeyay Fanaan badan oo ay kamid yihiin Shaadiyo Sharaf, Yuusuf Xeybaro iyo fanaaniin kale kuwaasoo qoraal ay uga tacsiyeynayaa marxuumad soo dhigay baraha ay ku leeyihiin facebook.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAJICUUN

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *