Faransiiska Oo Ku Dhawaaqay In Labbiska Cabayadda Laga Mamnuucay Iskuullada.

Published: August 28, 2023
Shares10

Wasiirka Waxbarashada dowladda faransiiska ayaa ku dhawaaqey in Iskoolada dalkooda ay mamnuuc ka dhigi doonaan in gabdhuhu ay xirtaan cabaabayad.

Wasiirka waxbarashada Faransiiska Gabriel Attal

Gabriel Attal oo 34 jir ah ayaa waraysi siiyey maalintii shalay telefishanka TF1 ayaa sheegay in khimaarka ama cabbaayadu uu ka hor imaanayo sharciga dalkaas, sidaas darteed, sharci rasmi ah la siin doono maamulada dugsiyada, marka laga soo noqdo fasaxa xagaaga maalmaha soo socda.

“Ma sii socon doonto in la xirto xjibka cabbaayadda” wasiirka waxbarashada Gabriel Attal ayaa u sheegay telefishinka TF1, isagoo sheegay in uu “sharci cad oo heer qaran ah” siin doono madaxda dugsiyada ka hor inta aan dib loogu laaban fasallada dalka oo dhan laga bilaabo Sebtembar 4.

Talaabadan ayaa timid ka dib dood bilo ah oo ku saabsan xirashada cabbaayada ee iskuulada Faransiiska, halkaasoo haweenka laga mamnuucay in ay xirtaan xijaabka Islaamka .

Xisbiyada midigta fog ee cunsuriga ah ayaa dabada ka riixayay mamnuucidda, taas oo xisbiyada dhanka bidixdu ku doodday inay ku xad-gudbi doonto xorriyadda madaniga ah.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in cabayaduhu ay ku soo badanayaan iskuulada iyo xiisad ka taagan iskuulka taasoo ka dhalatay arinta u dhaxeysa macalimiinta iyo waalidiinta.

“…Cilmaaniyaddu waxay ka dhigan tahay xorriyadda qofku naftiisa ugu xorayn karo dugsiga” ayuu yiri Attal, isagoo ku sifeeyay Caabbaya sida “tilmaan diimeed, oo loogu talagalay in lagu tijaabiyo iska caabinta jamhuuriyadda ee ku wajahan macbadka cilmaaniga ah ee faransiisku ku dhisan yahay.

“Markaad soo gashaan fasal, waa in aadan awoodin in aad aqoonsataan diinta ardaygu haysto adigoo eegaya iyaga,” ayuu yiri.

Sharci soo baxay bishii Maarso 2004 ayaa mamnuucay ” xirashada calaamadaha ama labbiska ay ardaydu si muuqata ugu muujiyaan diintooda” waxaaka mid ah iskutallaabyo waaweyn sida Saliibka, kippaska ama koofiyadda Yuhuudda iyo xijaab Islaami ah.

Balse wasaaradda waxbarashada ayaa horey wareegto arrintan uga soo saartay bishii November ee sanadkii hore.

Waxaa durba canbaareeyey qorshahan qaar kamid ah hoggaamiyaasha mucaaradka. Clementine Autain oo ka tirsan xisbiga mucaaradka garabka bidix ee La France Insoumise ayaa dhalleeceysay waxa ay ku tilmaantay “booliska dharka”, maamulka madaxweyne Emmanuel Macron waxa uu mar horeba isku dayay in uu la tartamo Marine Le Pen xisbigeeda National Rally ee midigta fog , ayey tiri.

Hanad Askar
Horseed media