Farmaajo iyo Shariif oo soo dhoweeyey guusha Soomaaliya ee kursiga aan joogtada ahayn ee QM

Published: June 6, 2024

Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Shiikh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan guusha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay xubinta kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo war qoraal ah soo geliyey bartiisa internet-ka ayaa sheegay guushan taariikhiga ah inay ku timid dadaalkii ay soo bilaabeen muddo xileedkiisii 2018.

” Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa in dalkeennu uu maanta ku guulaystay xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee sannadaha 2025-2026-ka, taas oo ku timi dadaalladii diblomaasiyadeed ee aannu soo bilowney sannadkii 2018-kii, maantana uu guul taariikhi ah dalkeennu ka gaaray”-ayuu yiri; Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed ayaa xusay in looga baahan dowladda Soomaaliya dadaal iyo hawlkarnimo ku aadan xubinta loo doortay dalka.

” Soomaaliya oo isu diyaarinaysa in ay qaaddo mas’uuliyaddan baaxadda leh muddada labada sano ah, waxaa muhiim ah in dhammaan muwaadiniinta iyo madaxduba ay u midoobaan arrimaha muhiimka u ah ee sameeya danaha Qaranka iyo daryeelka dadka. Midnimada iyo iskaashiga ayaa muhiim u noqon doona wax ka qabashada caqabadaha iyo ka faa’iideysiga fursadaha cusub ee na horyaalla si kor loogu qaado nabadda, amniga, iyo horumarka Soomaaliya iyo guud ahaan caalamkuba.”

Horseed Media