Farmaajo oo cadaadis lagu saarey in uu shirka ku qabto Muqdisho

Published: February 13, 2021

15ka bishan Feberaayo waxaa loo ballansan yahay in mar kale la isugu yimaado shir lagu turxaan bixinayo sidii lagu hirgelin lahaa heshiiskii 17 September 2020, caqabada weyn ee shirka hor taagan ayaa ah halka lagu qabanaayo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saarey todobadkii hore ku sheegay in Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalku shir isugu yimaadaan 15 Febaraayo 2020, kaas oo ka dhacaya magaalada Garowe.

Puntland, Jubaland, Midowga musharixiinta, ururada bulshada raidka ayaa ku taliyey in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, lana ballaariyo oo ay ka soo qayb galaan waxa loogu yeero saamileyda siyaasadda.

Wararka Horseed Media heleyso ayaa sheegaya in Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la saarey culeys weyn kaas oo hadda uga imaanaya saaxiibadda ay isku dhaw yihiin sida Itoobiya, Qatar iyo Turkey, waxaana lagu cadaadiyey in uu shirka ku qabto Muqdisho iyada oo aan waxba laga bedalayn tariikhda la jaangooyey.

Wararku waay sheegayaan in ay u badan tahay in shirka lagu qabto Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyada oo lagu koobayo saxiixayaashii heshiiskii 17 September oo keliya.

Dhanka kale weli waxaa jira in siyaasiyiinta Galmudug ay ku doodayaan in aan weli la laabin gogoshii taaley Dhuu Samareeb, shirkuna mudan yahay in mar kale halkaas la geeyo.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa wada hadal la sameeyey dhamaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, kuwa ciidamadu ka joogaan, waxaana uu isu diyaarinayaa warbixin uu siiyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, oo fadhi ka yeelanaya muddo kordhinta hawlgalka AMISOM, waxaana uu doonayaa ka hor fadhigaas in uu jiro heshiis siyaasadeed oo laga gaaro hirgelinta heshiiskii 17 September.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *