Farmaajo oo ka hadlay doorashada Puntland!

Published: May 23, 2023
Shares48

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland. Hoos ka akhriso…

Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim

Ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda.

Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Alle waxaan uga baryayaa guud ahaan dadkeenna Soomaaliyeed iyo dalkeennaba in uu siiyo barwaaqo, horumar, nabad iyo nolol wanaagsan.Wa Billaahi Al-Towfiiq

Horseed Media