Farmaajo oo la kulmay Howlwadeenada iyo Dhakhaatiirta la tacaalaya Covid19-SAWIRO

Published: May 7, 2021

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee la tacaalaya xakamaynta cudurka COVID-19.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaadka dadaalada naf-hurka ah ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu soo bandhigay dadaallada ay Xukuumadda xlgaarsiintu gelisay kor u qaadidda adeegyada caafimaad ee dalka, iyo guulaha la taaban karo ee laga gaarey xakamaynta Cudurka, iyada oo sidoo kale xil gaar ah la iska saaray daryeelka adeegayaasha caafimaadka.

“Waxaad aad tihiin halyeeyo baal dahab ah ka galaya taariikhda dalkan. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida geesinimada, naf hurka iyo daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.”

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Mudane Farmaajo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo hoggaansamo talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkooda, iyada oo ay weli taagan tahay khatarta cudurka isagoo ugu baaqay Bulshada in ay qaataan Talaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *