Farmaajo oo Saxiixay Sharcigii Barlamaanku Muddo Kordhinta Ku samaystay

Published: April 14, 2021

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib qalinka ku duugay Sharci lagu sheegay Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal kaasi oo uu barlamaanku ansixiyeen shalay oo taariikhdu ahayd 12.04.2021..

Sharciga cusub ayaa dhigaya in awooda dib loogu celiyo guddigii doorashada, lagana doonayo inay ku qabtaan doorasho qof iyo cod ah muddo labo sanadood ah. sharcigan ayaa u ogolanaaya gollayaasha dowladda ay sii jiraan mudadaad labada sano ah.

Sharciga uu madaxweynuhu uu saxiixay ayaan loo gudbin aqalka sare ee Federaalka, Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ka hor yimid go’aankaasi muddo kordhinta ah ee loo sameeyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo Wakiilka u sareeya arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell  uu qoraal adag ka soo saarey xaaladda Soomaaliya, waxaana ay si toos ah uga hor yimaadeen Madaxweynaha xilka kororsadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale,Laba mudane oo ka tirsan Aqalka Congaress-ka Maraykanka ayaa ku baaqay in dawladda Maraykanku ay dib u eegis ku samayso xiriirka ay la leedahay dawladda federaalka Soomaaliya, ayna tixgeliso in cunqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaan dimqoraadiyada, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta soo baxay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *