Farmajo Guusha Doorasho ee qof iyo cod ma loogu riyooday!! MAQAAL

Published: July 23, 2020

Siyaasaddu kama maaranto Kaftanka, Waxaan la kaftamay Saaxiibo aan aad isugu dhownahay laakiin aanaan isku aragti ka ahayn Siyaasadda kana ag-dhow Madaxweyne Max’ed C/laahi Farmajo iyo Ururkiisa N&N, Waxaan ku iri Maxaa idinku dhajiyey Doorashada Qof iyo cod ee aad og tihiin inaysan Suuragal aheyn wakhtigaan, Maadaama aan laga gudbin Nidaamka 4.5, Maadaama Xildhibaanada Gobollada waqooyi iyo Deegaamada Nabad-diidku haystaan Kuraasta laga soo doorto ay khasab tahay inay Doorasho dad-ban galaan?!.

Maadaama wakhtiga la haystaa uu aad u kooban yahay ayna adag tahay xattaa Doorasho qof iyo cod ah in laga qabto Deegaamada Nabadda ah!, Waliba waxaan ugu daray Doorasho qof iyo cod ah Puntland ayaa ku howlaneyd dhowr iyo toban sano walina hal qof laguma dooran, Haddii ay sidaas u fududahay oo dhowr bilood lagu qaban karo Puntland ayaa mar hore u guuri laheyd Nidaamkaas!.

Saaxiibaday waxay iigu jawaabeen waan ognahay waxaas oo dhan iyo sida ay u adag tahay, laakiin Qolada riyooyinka noo qaabilsan ayaa Habeen kasta ku riyooda Dadweynaha oo Farmaajo u codeynaya!.

Waxaan soo Xasuustay oo Saaxiibadayna aan Xasuusiyey sida Qolooyinka Riyada ku qaraabta ay Bohol nooga tuureen Doorasho dhaweyd, Musharax Culus ayaan wadnay, Magaaladii kasta oo aan Olole u tagno waxaan kula kulanaa ugu yaraan laba qof oo sheegaya inay ku riyoodeen Musharaxa aan wadno oo helayTiro codad ah oo ka badan intaan Maalinta Doorashada u baahan-nahay.

Sidii Riyooyinku isaga soo daba dhacayeen ayaan waxaan gaarray inaan Aaminno Riyooyinkaas lagu soo shaqo tagay, taasina waxay keentay inaan ka gaabinno meelihii muhiimka u ahaa Doorashada iyo inaan ku mashquulo inaan isku dardarno Codadka la sheegay in Riyooyinka lagu arkay.

Doorashadii haddii ay soo dhawaatay rab badan oo Teamka Ololaha ka mid ah ayaa iyagana loogu riyooday in la arkay iyaga oo Xilal Wasiiro ka haya Xukuumadda uu Hogaamin doono Musharaxaasi, Waxaana dhacday in rag kooxda Ololaha ka mid ah oo Riyadaas iska waayey ay kaamam kale oo Olole ku biireen.

Doorashada qof iyo cod ee Villa Soomaaliya waa Riyo sida muuqata, Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 waa inay dhacdaa wakhtigeeda, kuna dhacdaa si heshiis lagu yahay, Cid walban ha aaminto Calafkeeda iyo Coodkeeda.

Adiga waligaa ma laguu Riyooday?!.


Mase is leeyahay waa kala duwan yihiin kuwa Sheegta inay Riyoodeen?!.

W/Q  Hon Said Surcad

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. In la riyoodo waxaa ka horeysa in la seexdo waayo nooca doorashada iyo waqtigeedii lama hubee maxaa riyo lagu arkaa.