FBI oo baareysa eedaymaha loo jeediyey xaakimka magacabaan ee Maxkamadda sare Mr. Brett Kavanaugh

Published: September 29, 2018

FBI ayaa baareysa eedaymaha lagu soo eedeeyey xaakimka Madaxweynaha Maraykanku u magacaabey Maxkamadda Sare ee Maraykanka Brett Kavanaugh.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa amrey in FBI ay baritaan ku samayso eedaymaha, kadib markii Aqalka Senate-ka codsi uga yimid Madaxweynaha in dib loo dhigo ansixinta Xaakimka buuxinaya booskii Kennedy iska casilay bishii July 2018.

Senatorka laga soo doorto gobolka Arizona Sen. Jeff Flak ayaa codeyntii shalay ee Gyddiga caddaaladda ee maraykanku ku ansixinayeen Xaakim Kavanaugh ku xirey in todobaad dib loo dhigo si fursad loo siiyo baaritaanka FBI, Xildhibaanada Jamhuuriga ayaa u baahan codka Sen. Jeff Flak, maadaama ay hadda haystaan oo keliya 49 cod oo keliya.

Maalintii Khamiista waxaa Guddiga caddaalada ee Aqalka Senateka Maraykanku dhegeysteen Christine Blasey Ford oo ku eedeysey Xaakim Kavanaugh in uu isku dayey in uu kufsado iyada oo 15 sano jirta, inkasta oo aysan horkeenin markhaantiyaal xoojin kara eedeynteeda, saddex qof oo kamid ah dadkii ay ka xusuusatey in ay xafladdii lagu kufsan lahaa joogeen ayaa sheegay in aysan xusuusan xafladdaas.

Christine Blasey Ford oo ah professor wax ka dhigta college ku yaala gobolka California ayaa loo arkey khudbadeedi mid ay si daacad ah u soo gudbisey inkasta oo aysan markhaantiyo haysan. Waxa jira laba gabdhood oo kale oo iyaguna eedeeyey Xaakimka Trump u magacabey Maxkamadda Sare.

Brett Kavanaugh ayaa si adag habeenkii Khamiista isaga difaacey eedaymaha loo jeediyey, meesha kama saarin in Dr Ford ay ka badbaadey kufsi sida a sheegatey laakiin wuxuu sheegay in aanu isaga ahayn ninkaas.

Maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa ka kooban 9 xaakim oo hal mar la magacaabo laakiin xilka in ay iska casilaan ama ka geeriyoodaan maahee aan laga qaadi karin, muddo dheer waxaa aqlbaiyadda haystey Xisbiga Jamhuuriga.

In FBI baaritaan bilowdo waxay noqon kartaa mindi laba afleh, maadaama ay waraysanayaan markhaantiyaasha sheegay in aysan xusuusan maalmahaas, kuwaas oo isbedeli kara, dhanka kale waxaa loo arkaa muddo 7 maalmood ah in aysan baaritaan ku filneyn.

Xildhibaanada Dimoqraadiga ee laga trada badan yahay ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aanka Sen. Jeff Flake oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga giraantana dhan kale u rogey. Xisbiga Jamhuuriga ayaa doonaya in Xaakmkooda la meel mariyo ka hor doorashada dhexe ee bisha Nfeembar oo laga cabsi qabo in ay waayaan aqlabiyadda labada Aqal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *