Finland oo noqotay dalkii ugu horeeyey dunnida oo tijaabiya baasaboorka Dijitaalka ah

Published: September 3, 2023
Shares90

Finland ayaa sheegtay Aqoonsiga Socdaalka Dijital ah waa “mid ah la isku halayn karo” sida baasaboorka caadiga ah.

Dadka Finnishka ah ee ka soo duulaya caasimadooda Helsinki ee u socda dalka UK waxa laga yaabaa inay hadda awoodaan inay addeegsadaan aqoonsiga dhijitaalka ah oo sawir ahaan taleefankooda halka baasaboorkooda caadiga ah.

Dadka safarka ah ee raacaya qaar ka mid ah duulimaadyada Finnair waxay awood u yeelan doonaan inay ka gudbaan kontoroolka xuduudaha iyagoo isticmaalaya Aqoonsiyada Safarka Dijital ah (DTC) halkii ay sugi lahaayeen safka baaritaanka xuduudaha.

Wadanku waxa uu bilaabay tijaabadan cusub iyada oo lala kaashanayo shirkada duulimaadka Finnair, booliiska Finland iyo hawlwadeenka garoonka diyaaradaha ee Finavia, laakiin waxa laga yaabaa in nidaamkan cusub laga hirgeliyo guud ahaan dalalka Midowga Yurub.

Tijaabada Baasaboorka dhijitaalka ah ee Finland waa qayb ka mid ah mashruuc tijaabo ah ee EU-da oo lagu fududeenayo nidaamka safarka.

Horseed Media