Fiqi oo xilka wasaaradda arrimaha dibadda kala wareegay Cali Balcad

Published: April 13, 2024
Shares20

Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Waxaa xilka wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda wareejiyey sii-hayaha ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cali Cumar (Cali Balcad), kadib markii wasiirkii hore xilka uu iska casiley dhamaadkii 2023.

Wasiirka cusub Axmed Macalin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Mmadaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo isaga u gartay inuu xilkan cusub qabto, wuxuu horay u ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo loo magacaabay kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday inuu xoojin doono kaalinta Diblomaasiyadda ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Xil wareejinta kadib Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulammo kala duwan la qaatay hoggaanka, waaxyada iyo howlwadeennada Wasaaradda isaga oo kormeeray shaqada ka socota iyo ajendeyaasha sanadka.

HORSEEDMEDIA