FRANCE: Ninkii geystay weerarkii Nice oo ka yimid Tunisia

Published: October 30, 2020

Booliiska Faransiiska ayaa xaqiijiyey in ninkii shalay weerarka ku qaaday kaniisada kutaal magaalada Nice uu kasoo jeedo dalka Tunisia.

Ninkan oo ah 21 sano jir ayaa la sheegay inuu dhawaan yimid dalka Faransiiska. Bishii September ayuu kasoo degay dalka Talyaaniga, wuxuuna bishan Oktoober usoo gudbay dalka France sida xogta lagu hayo.

Dowlada Tunisia ayaa sheegtay inay baareyso in ninkaasi uu xiriir laleeyahay kooxaha la yaqaan ee xagjirka ah.

Ninkan oo ku hubeysan Mindi ayaa shalay gudaha u galay Kaniisada ugu weyn magaalada Nice, halkaasi oo uu ku dilay sadex qof.

Booliiska oo ninkan toogasho ku dhaawacay ayaa nolol ku qabtay ninkan oo hada lagu wado baaritaan.

Ururada Islaamka iyo Muslimiinta ku nool dalka Faransiiska ayaa weerarkan si adag u cambaareeyey.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo isla shalay booqday Kaniisada Katooliga ee magaalada Nice ayaa sheegay in wadankooda lagu soo qaaday weerar isagoo ka codsaday shacabka inay u midoobaan difaacida dalkooda.

Xukuumada Faransiiska ayaa soo rogtay xaalada deg degta ah isla markaana ciidamo militari oo gaaraya 7000 askari ku kabtay booliiska si ay u sugaan amniga goobaha lagu cibaadeysto xili dalkaasi todobaadkan looga debaaldagayo maalmaha ciida u ah Kirishtaanka Katooliga ee ku nool wadankaas.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *