FRANCE: Weerarkii Nice iyo Jawaabtii Macron

Published: October 29, 2020

Madaxweynaha France Emmanuel Macron oo maanta booqday kaniisadii uu ka dhacay weerarka lagu dilay 3 qof ee magaalada Nice ayaa ka codsaday shacabka Faransiiska inay u midoobaan ka hortaga kooxaha Xagjirka ah.

Weerarkii saaka ka dhacay  magaalada Nice ee koonfurta dalka France ayaa waxaa lagu dilay sadex qof oo ay midi tahay haweenay waayeel ah oo la sheegay inuu qoorta ka jaray ninka weerarka fuliyey.

Macron oo sheegay in weerarkan uu geystay Islaami Xagjir ah, waa siduu hadalka u dhigayee ayaa sheegay inay dhankooda marnaba isu dhiibi doonin kooxaha weerarka ku ah dalkooda.

Gacan-kudhiiglaha ayey ciidamada Booliiska qabteen 12 daqiiqo kadib markii uu weerarka fuliyey, waxaana soo gaaray ninkaasi dhaawac kadib markii ay toogteen askarta. Weli wax faah faahin ah lagama bixin aqoonsiga ninkaasi oo hada lagu hayo isbitaal lagu daaweenayo.

Isla maanta ayey booliiska Faransiiska toogasho ku dileen ninkale oo ku sugnaa magaalada Avignon, kaasi oo la sheegay inuu watay mindi isagoo u hanjabayey dadka wadada marayey iyo ciidamada booliiska.

Dowlada France ayaa heegankii ugu sareeyey gelisay guud ahaan dalkaasi oo lagu waday caawa inuu u bilowdo bandowga ka hortaga cudurka Covid19 oo dalkaasi faro-ba’an ku haya xiligan.

Askarta Militariga oo gaaraya 7 kun ayaa la sheegay in lagu kabi doono ciidamada Booliiska si ay u illaaliyaan goobaha lagu cibaadeysto.

Hogaamiyayaasha Caalamka iyo waliba ururada Islaamka ee dalkaasi France ayaa cambaareeyey weerarka lagu qaaday kaniisada Katooliga ee Nice.

Dhinaca kale dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in gacanta lagu hayo nin ku hubeysnaa mindi oo isaguna maanta weerar ku qaaday Qunsuliyada Faransiiska ku leeyahay magaalada Jidah, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay askari waardiye ka ahaa Qunsuliyadaasi.

Xiisada France iyo Dunnida Islaamka

Weerarada ayaa la xariira xiisada sawirada ay daabaceen jaraa’idka Faransiiska ee lagu aflagaadeenayey Nebi Maxamed SCW, waxaana 2 asbuuc kahor dalkaasi lagu dilay macalim caruurtuu wax u dhigayey masawiradaasi tusay, dilkaasi ayuu geystay wiil muslim ah oo 18 sano jir ah oo asal ahaan kasoo jeeday Chechnia, kaasi oo ay toogasho ku dileen booliiska.

Madaxweynaha Faransiiska Macron oo sheegay inuu difaacayo xoriyatul Qawlka dalkaasi iyo sawiradaasi ayaa sidoo kale xiisadan dab kusii shiday kadib markii uu sheegay inay tilaabo ka qaadi doonana ururada Islaamka iyo Masaajidada uu ku tilmaamay xagjirka, xukuumada Emmanuel Macron ayaa sidoo kale diyaarisay sharci ay ku tilmaamtay la dagaalanka Islaamiga Gooni-u-goosadka ah arrimahan oo ay si weyn u cambaareeyeen qaar kamid hogaamiyayaasha dalalka Islaamka.

Maalmahan ayey banaanbaxyo ka dhan ah Faransiiska ay ka socdaan dunnida Islaamka, waxayna muslmiinta bilaabeen inay joojyaan inay iibsadaan alaabaha ay sameeyaan shirkadaha laga leeyahay dalka France.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *