Gaari bom lagu xirey oo ku qarxey degmada Shibbis ee gobolka Banaadir

Published: July 31, 2023

Wararka ka imaanaya degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah qarax ka dhacay halkaas. Sida ay sheegayaan dad arkaayey markii qaraxu dhacay waxa uu ka kacay gaari nooca SURF ah, kaas oo la aaminsan yahay in bomka horey loogu sii xirey.

Gaariga qaraxa lagu xirey waxaa watey nin dhalinyaro ah ah oo aan la garan sababta loo bartilmaameedsadey, gaariga ayaa yaaley baarkinka markii uu qarxaayey, ninka watey ayaa ku jirey goob jimicsi oo jirka lagu dhisto.

Wax khasaare ah oo qaraxu dhaiyey lama sheegin.

Horseed Media