Gabon: Hogaamiyaha Militariga oo loo dhaariyey Madaxweyne Kumeel Gaar ah

Published: September 5, 2023
Shares4

General Brice Oligui Nguema, oo hogaaminayay afgambi isbuucii hore lagu riday xukuumadii Gabon, ayaa Isniintii shalay loo dhaariyay xilka madaxtinimo ku meel gaar ah, isagoo balan qaaday “doorasho xor ah, daahfuran oo lagu kalsoonaan karo” si loo soo celiyo xukunka rayidka balse muusan sheegin xiliga doorashadaas dhici doonto.

Nguema, oo ah madaxa ilaalada Jamhuuriga, ayaa hogaaminayay saraakiisha afgambiyey Arbacadii Madaxweyne Ali Bongo Ondimba, oo ka soo jeeda qoys soo xukumayay dalkaasi tan iyo 1967-dii.

Inqilaabka militari ayaa yimid wax yar uun ka dib markii lagu dhawaaqay inuu Bongo markale ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee bishii hore – natiijadas oo ay diideen mucaaradka.

Khudbadiisii dhaarinta ka dib, Nguema wuxuu sheegay in Gabon ay u baahan tahay hannaan doorasho iyo garsoor cusub.

Ballanqaadkan Nguema ee doorasho xor ah oo daah-furan ayuu ku guul-darreystay inuu ku qanciyo urur-goboleedka Afrikada Dhexe, ECCAS, oo Isniintii ku dhawaaqay inay joojinayaan xubinnimada Gabon ilaa inta dib loogu soo celinayo nidaamka dastuuriga ah.

Horseed Media