Hogaamiyihii afgambiyey madaxweynihii Gabon Ali Bongo ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka fogaado in…
Hogaamiyihii afgambiyey madaxweynihii Gabon Ali Bongo ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka fogaado in lagu dagdago doorashooyin “iyo khaladaadkii hore” iyada oo cadaadis lagu saarayo in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah.
Saraakiisha militariga ee uu hogaaminayo General Brice Oligui Nguema ayaa la wareegay awooda Arbacadii daqiiqado ka dib markii lagu dhawaaqay in Bongo uu ku guuleystay markii seddexaad doorasho.
Bongo ayaa la doortay 2009-kii, isagoo xilka kala wareegay aabihiis oo geeriyooday oo xukunka qabtay 1967. Dadka ka soo horjeeda ayaa sheegaya in qoysku ay isku koobeen hantida Qaranka ee laga helo shidaalka Gabon iyo macdanta.
Saraakiisha ayaa Bongo ka dhigay xabsi guri waxayna Nguema ka dhigeen Taliyaha Guud, taasoo soo afjartay 56 sano oo qoyska Bongo ay xukunka hayeen.
Urur-goboleedka (ECCAS), ayaa ku boorriyay Beesha Caalamka ay hoggaaminayaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay taageeraan dib ugu soo laabashada nidaamka dastuuriga ah, ayaa lagu yiri bayaan ka dib shir aan caadi ahayn oo dhacay Khamiistii. Ururka ayaa sheegay in dib la isugu soo laaban doono shir kale Isniinta.
Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Gabon, Alternance 2023, oo sheegtay inay iyagu ku guulaysteen doorashada, ayaa ku booriyay beesha caalamka jimcihii inay ku dhiirigeliyaan jeneraalada inay xukunka dib ugu wareejiyaan rayidka.
Horseed Media