Gabon: Militariga oo sameeyey Afgambi iyo Madaxweyne Bongo oo xabsi guri ku jira

Published: August 30, 2023

Tobaneeyo askari oo gadoodsan ayaa ka soo muuqday telefishinka qaranka Gabon, iyaga oo ku dhawaaqay in la laalay natiijadii doorashadii, iyagoona sheegay inay kala direen “dhammaan hay’adaha Jamhuuriyadda“.

Dhacdadan maanta oo Arbaca ah ayaa timid kadib markii Madaxweyne Ali Bongo Ondimba, oo 64 jir ah dib loo doortay mar saddexaad, doorashadaas oo ay mucaaradku ku tilmaameen ‘khiyaano uu soo agaasimay’ xisbiga talada haya.

Hogaamiyayaasha afgambiga Gabon ayaa sheegay in madaxweyne Ali Bongo Ondimba uu ku jiro xabsi guri, waxaana xabsiga la dhigay mid ka mid ah wiilashiisa oo loo xiray “khiyaano qaran”.

“Madaxweyne Ali Bongo waxa uu ku jiraa xabsi guri, waxaana la jooga qoyskiisa iyo dhakhaatiirtiisa,” ayay ku yiraahdeen bayaan laga akhriyay TV-ga dowladda.

Afhayeen u hadlay dowladda Faransiiska Olivier Veran ayaa sheegay in Paris ay cambaareyneyso afgambigii ka dhacay Gabon, ayna dooneyso in la ixtiraamo natiijada doorashada Gabon.

Isniintii, Madaxweyne Emmanuel Macron wuxuu dhalleeceeyay waxa uu ugu yeeray “afgambiyada kusii faafaya” dalalka Galbeedka Afrika ee looga hadlo Faransiiska, laga soo bilaabo Mali iyo Burkina Faso ilaa Guinea iyo kii ugu dambeeyay Niger.

Faransiiska ayey ciidamo ka joogaan dalalkii ay horey u gumeysan jirtay oo ay ku jirto Gabon halkaas oo ay ka joogaan 370 askari, qaar kamid ah ayaa ku sugan caasimadda Libreville.

Horseed Media