Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Published: April 24, 2021

Dabley hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa dil u geystay Muwaadin Soomaali ah oo kamid ah Soomaalida goobaha ganacsi ku leh wadanka Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdulaahi waxaana Burcadda ay ku dileen deegaan lagu magacaabo Khayelitsha oo u dhow magaalada Cape Town ee wadanka Koonfur Afrika.

Dilalka loo geysanayo Soomaalida ku ganacsatada wadanka Koonfur Afrika ayaa xiriir ka noqday wadankaasi waxaana,dilkan uu haatan walaac xooggan ku abuuray Dadka Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh wadankaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *