Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante oo eedeyn culus u jeediyey Dowladda Federaalka

Published: July 12, 2023
Shares4

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee beesha Dhulbahante, ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in Dowladda federaalka ah ay raali ka tahay duqeynta lagu hayo shacabka Sool.

Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu hoosta ka xariiqey in Madaxweynaha iyo rayslawasaaraha dalku ay masuul ka yihiin ilaalinta midnimada dalka, laakiin hadda ay Somaliland ku taageersan yihiin xasuuqa ay kwado gobolka Sool.

Dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyey in ay ka soo horjeedo in Somaliland la saaro cunno qabateyntii golaha amaanku ku hanjabtey, in aysan waxba ka qaban warbixintii hay’adda xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, sidoo kale ay ka so horjeedo in Somaliland ay kala baxdo ciidankeeda gobolka Sool taas oo caalamku ugu baaqey.

Eedeyntan ayaa ah tii ugu cusleyd ee loo jeediyo maamulka Xasan Sheekh, welina wax jawaab ah kama bixin.

Horseed Media