Gargaar kooban oo loo fasaxay Waqooyiga Gaza iyo Cadaadiska saaran Israel oo sii kordhaya

Published: April 6, 2024
Shares32

Waxaa maanta oo Sabti ah waqooyiga Gaza gaaray gaadiid kooban soo sida gargaarka bini’aadamnimo kadib markii Israel uu cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka.

Dhowr gawaarida xamuulka ah oo sida gargaarka ayaa gaaray Waqooyiga Gaza oo ah goob ay macaluul xoogan ka jirto.

Israel ayaa la kulmeysa cadaadis xoogan oo uga imaanaysa Beesha Caalamka kadib duqeyntii ay maalmo kahor ku dishay 7 kamid ah shaqaalaha hay’ada WCK oo ka hawlgaleysay Waqooyiga Gaza.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo xalay khadka telefonka kula hadlay Raysalwasaaraha Israel Netanyahu ayaa u qabtay muddo saacado ah in uu wax ka qabto macaluusha ka taagan Gaza iyo in la sugo amniga hay’adaha gargaarka.

Duqeyntii habeenkii Salaasada soogaleysay ay Israel ku dishay saraakiisha hay’ada WCK ayaa noqday mid isbedal ku keenay fikirkii in badan oo kamid ah Siyaasiyiinta reer Galbeedka ee horey u taageeri jiray Israel.

Kooxda Israel ay duqeynta ku dishay ayaa ahaa hal qof oo u dhashay Maraykanka, 3 u dhashay UK, laba kale oo kasoo kala jeeda Australia iyo Poland. Waxaa sidoo kale duqeyntaasi lagu dilay darawalkoodii oo ahaa reer Falastiin.

Dowladaha Australia iyo Poland ayaa codsaday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo duqeyntan isla markaana sharciga la horkeeno askarta falkaas geysatay.

Dowladaha reer Galbeedka ee taageera Israel ayaan horey wax dareen weyn ah u muujin shacabka gaaraya 33,137 ee lagu xasuuqay Gaza, balse hada si weyn uga danqaday dilka loo geystay muwaadiniintooda.

Horseed Media