GAZA: Ciidamada Israel oo hareereyay Isbitaalka Al Shifa

Published: November 11, 2023

Waxaa saaka oo sabti ah weerar xoogan ku socdaa Isbitaalka Al Shifa oo ay hareereyeen ciidamada Israel.

Al Shifa oo ah isbitaalka ugu weyn ee Gaza ayaa waxaa yaala kumanaan dhaawac ah, waxaana ku sugan barakayaal gaaraya 15.000.

Korontadii & Internetka Isbitaalka oo maalmihii lasoo dhaafay ku shaqeenayey Matoorada ayaa go’ay.

Dhakhaatiirta Isbitaalka oo telefonka kula hadlay warbaahinta ayaa codsaday in laga soo gaaro.

Dhamaan xarunta qaliinka, gargaarka deg deg ah ayaa gebi ahaan heysan wax koronto ah.

Meydadka ayaa la sheegay in ay buux dhaafiyeen isbitaalka iyadoo aysan jirin meel lagu hayo.

Askarta Israel oo jaray dhamaan wadooyinka taga Al Shifa ayaa tooganaya qof walba oo kasoo baxa isbitaalka.

Diyaaradaha Drone-ka ee Israel oo jawi hoose ku socda ayaa sidoo kale toogtay dad ku jira gudaha isbitaalka oo ay kamid yihiin shaqaalaha.

Horseed Media