Gaza: Gaadiidka hay’ada Bisha Cas oo la weeraray

Published: November 8, 2023
Shares12

Gaadiidka Bisha Cas oo gargaar daawo u siday isbitaalka Al Quds ayaa la weeraray. Waxaana la dhaawacay qaar kamid ah darawaliinta.

Kolonyada gadiidka Bisha Cas ayaa kadib u baxsaday dhanka isbitaal Shifa oo ay geeyeen daawooyinka.

Lama oga cidda tacshiirada ku furtay gaadiidkan oo ka koobnaa 5 kuwa xamuulka ah iyo 2 gaari oo ay saarnaayeen saraakiisha Bisha Cas.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay xili Israel ay duqeyn ku waday nawaaxiga Isbitaalka Al Quds oo ku yaal waqooyiga Gaza.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay hareereyeen waqooyiga Gaza, xili halkaasi ay dagaalo ka socdaan.

Israel ayaa la sheegay 31 askari looga dilay dagaaladii ugu danbeysay, waxayna uga jawaabtay xoojinta duqeynta goobaha shacabka.

Tiradda illaa iyo hada ku dhimatay duqeynta Gaza ayaa mareysa 10.400, tiradda dhaawaca ayaa ka badan 20,000 qof.

Horseed Media