Gaza: Xamaas oo siideysay 2 Mareykan ah oo ay qafaasheen iyo duqeyntii Israel oo sii socota

21 October, 2023

Israa’iil ayaa sheegtay in Xamaas ay sii daysay labo la heyste oo Mareykan ah oo lagu…

Israa’iil ayaa sheegtay in Xamaas ay sii daysay labo la heyste oo Mareykan ah oo lagu haystey Qasa tan iyo markii ay kooxdaasi weerareen koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoober.

Siideynta labadan qof oo ahaa hooyo iyo gabadheeda ayaa waxaa ka shaqeeyey dowlada Qatar oo xiriir la sameysay Xamaas oo la sheegay inay gacanta ku hayaan in ka badan 200 Israa’iiliyiin iyo ajaanib kale oo ay ka qafaasheen koonfurta Israel.

Siideynta la haystayaasha ee xalay ayaa timid xitaa iyadoo duqeymaha cirka ee Israa’iil ay kasii wadaan koonfurta Qasa, aaga ay u qaxeen dadka rayid ah ee ka baro-kacay woqooyiga Qasa.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo sii deynta labada qof ee la qafaashay, balse waxa uu xusay in ay jiraan maxaabiis kale oo badan oo ay ku jiraan carruur iyo dad waayeel ah.

Xamaas ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay siidaayaan dadka rayidka ah oo gacantooda ku jira hadii Israa’iil joojiso duqeynta, laheystayaasha ayaa waxaa sidoo kale ku jira askar iyo saraakiil Israa’iiliyiin ah.

Horseed Media