Germany: Gaari siday Tahriibayaal oo gadoomay isagoo ka baxsanaya Booliiska

Published: October 13, 2023

Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhintay in ka badan toban kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin looga shakisan yahay in uu yahay qof wax tahriibiya uu lumiyay kontoroolka gaari yar oo ay la socdeen dad muhaajiriin ah oo marayey koonfurta Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen saaka oo Jimce ah.

Shilka ayaa ka dhacay wadada weyn ee A94 ee dhanka bari kaga beegan magaalada Munich kadib markii gaariga ah nooca Mercedes Vito uu bilaabay in uu xawaare sare ku socdo xilli ay booliisku ku raad joogeen.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa ku dhawaad 20 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan caruur.

Todoba qof ayaa geeriyootay kadib markii uu dhowr jeer rogmaday gaariga, halka rakaabkii soo haray ay soo gaareen dhaawacyo fudud iyo kuwo culus, waxaana la dhigay isbitaalada ku dhow goobta uu shilka ka dhacay, sida ay booliisku sheegeen.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in aan weli la hubin dalalka ay u kala dhasheen dadka tahriibayaasha ah, isla markaana ay baaritaan ku wadaan.

Horseed Media