Gobolkee tirada ugu badan ee cod-bixiyaasha Puntland iska diiwaan-geliyeen?

Published: March 16, 2023
Shares54

Waxaa soo dhamaadey diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka goloyaasha deegaanka ee Puntland taas oo bilaamatey 05 Janaayo 2023.

Diiwaangelinta ayaa ka dhacdey gobolada Bari, Gardafuul, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Mudug iyo Nugaal, waxaan gebi ahaanba laga qaban labada gobol ee Sool iyo Cayn.

Xogta Horseed Media heleyso ayaa sheegaysa in tirada guud ee is diiwaan gelisey ay gaareyso 300 000 oo qof (saddex boqol oo kun).

Ilaa hadda dadka ugu bada ayaa iska diiwaan geliyey gobolka Mudug.

Puntland oo lagu qiyaaso in ay ku nool yihiin dad ka badan 2 milyan oo qof, ayaan helin wacyigelin ku filan oo la xiriirta diiwaan-gelinta, sidoo kale waxkhatiga diiwaan gelinta ayaa ahaa mid ciriir ah oo aan ku filneyn, waxa taas dheer hubanti la’aan siyaasadeed oo dalka ka jirta, iyada oo ay u dheertahay xaaladda gobolka Sool.

Horseed Media fasax uma haysato in ay soo daabacdo tirada dadka iska diwaan geliyey gobolada iyo degmooyinka, waxaana la sugayaa maalinta sabtida in guddiga TPEC ku dhawaaqo.

Horseed Media