Golaha Amaanka oo ansixiyey Hawlgalka bedali doona AMISOM ee ATMIS

Published: April 1, 2022

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in hawlgalka cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ATMIS.

Howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka shaqeyn doona sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga, iyagoo bedelaya howlgalka AMISOM ee hadda jira oo uu waqtigooda ku ekaa shalay oo Khamiis ahayd.

Sida ku cad qaraarka la ansixiyay, howlgalka cusub ayaa la saadaalinayaa inuu si tartiib tartiib ah hoos ugu dhigi doono tirrada ciidamada Afrikaanka ah oo hoos looga dhigi doono askarta hada shaqeysa oo gaareysa 20,000 isugu jira militari, boolis iyo rayid kuwaasi oo la qorsheeyey inay ugu danbeyn dhamaadka sanadka 2024-ka hawsha ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *