Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo lagu wado inuu cod u qaado qaraarka xaalada Gaza

Published: October 27, 2023

Waxaa maalintii labaad galay kulanka deg dega ah oo uu Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka yeelanayo xaalada Gaza, kadib markii Golaha Amaanka uu ku fashilay inuu qaraar kasoo saaro xasuuqa ka socda dhulka Falastiin.

In ka badan safiirada ka socda 100 wadan ayaa isdiiwaangeliyey inay kulankan ka hadlaan, xubnihii shalay khudbada soo jeediyey ayaa waxaa kamid ahaa Safiirada Jordan iyo Falastiin oo qaraarkan usoo gudbiyey Golaha loo dhan yahay iyagoo wadamada caalamka ka codsanaya inay taageeraan qaraar ku dhawaaqaya Xabad joojin.

Mareykanka oo codka qayaxan ee (Veto) kuleh Golaha Amaanka isla-markaana ah maalgeliyaha Israel, ayaa hor-istaagay dhamaan dadaaladii la doonayey in Golaha Amaanka uu soo saaro Qoraal lagu joojinayo xasuuqa ka socda Qaza.

Golaha Amaanka ayey qaraaryada kasoo baxa ay yihiin kuwo sharci caalami ah, walow Israel ay horey marar badan u jabisay sharuucda kasoo baxa Golahaasi.

Waxaa lagu wadaa maanta oo Jimce ah inay hadlaan xubnaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kadibna cod loo qaado qaraarkan oo muujin doona aragtida inta badan dalalka Caalamka.

Horseed Media