Golaha Shacabka oo ansixiyey sharciga hanti-dhawrka qaranka

Published: August 16, 2023
Shares24

Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa ansixiyey Hindise Shaciyeedka Hanti-dhowrka Qaranka, kaas oo ay goluhu mariyeen saddex akhrin, sida uu qabo xeer hoosaadkoodu.

Sharcigan oo ay horay usoo meel-mariyeen Golaha Wasiirada ayaa waxaa indhowaanahaan ka doodayay xubnaha baarlamaanka oo iyaguna maanta doodooda soo gabagabeeyay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow oo shaaciyay natiijada codeynta ayaa ku dhowaaqay inuu ansax yahay Sharciga Hantidhowrka Qaranka.

Xildhibaanada oggolaadey sharcigan waa 135, waxaa diidey 3 Mudane waxaana ka aamusey 4 mudane ayuu yiri guddoomiye kuxigeenka labaad Cabdullaahi Abshirow oo fadhiga shir guddoominaayey.

Intaas kadib ayaa waxaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya u mahadceliyay wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo kulanka ku sugnaa, wuxuuna tilmaamay in sharcigaan uu xilligan muhiim u yahay Soomaaliya.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood.

Horseed Media