Golaha wadatashiga Qaran oo bogaadiyey doorashada qof & cod ee ka dhacday Puntland

Published: May 28, 2023
Shares22

Golaha wadatashiga Qaran oo warsaxafadeed soo saaray ayaa bogaadiyay doorashada ka qabsoontay Puntland ee qof iyo codka ah.

Golaha ayaa ku baaqay in deegaanada aysan wali ka dhicin dorashada ay si nabad ah uga dhacdo.

Sidoo kale Golaha wadatashiga Qaran waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in ay dawlad gobaleedyada kale ku daydaan Puntland oo ay dadajiyaan doorashada.

Bilowgii bishan, Madaxweynaha & Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka digay doorashooyinka qof iyo codka ah oo ay sheegeen in ay burbur u horseedayaan Puntland, laakiin hadda waxay sheegeen in ay ahayd talaabo wanaagsan, oo ay tahay in lagu daydo.

Horseed Media