Golaha Wadatashiga Qaran Oo La Shiray Ururada Bulshada Rayidka

Published: January 5, 2022

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillo ka socda bulshada rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed.

Madaxda iyo masuuliyiinta bulshada rayidka ah ayaa waxaa ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Isniinta ka furmay Teendhada Afiyooni ee magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Arbaco ah galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana looga hadlayaa doorashada dalka iyo dardar-gelinteeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *