Golaha Wasiirada Federaalka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedyo Cusub iyo Boodhka Hay’adda Tirakoobka

Published: August 3, 2023

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay sharciga shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbiyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Fulinta ee Hey’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed. Wakaalada

Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay sharciga shaqada Soomaaliya, kaasoo wax badan ka bedeli doona maqaamka iyo xuquuqaha shaqo ee shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay. Hindise sharciyeedkan ayaa weli waxaa gacanta ku haya Baarlamaanka oo dib u eegis ku sameynaya, balse ansixintiisa Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey.

Goluhu waxa kale oo ay ansixiyeen Boorka Hay’adda Tirakoobka Qaranka oo ka kooban siddeed xubnood. Ujeedada magacaabista golahan ayaa ah sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha iyo hawlaha baaxada leh ee horyaala hay’adda.

Kulanka ayaa golaha looga dhageystay warbixino la xiriira amniga dalka, canshuuraha, ciyaaraha iyo arrimaha xajka, iyadoo laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Diinta iyo Awqaafta.

Horseed Media