Golaha wasiirada federaalka oo ansixiyey heshiis Soomaaliya la gashey Itoobiya

Published: August 31, 2023

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaliga ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadley amniga guud ee dalka, iyada oo lagu meel-mariyey Heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ee uu goluhu meelmariyey, ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.

Raysalwasaaraha ayaa goalaha warbixin ka siiyay safar uu ku tegay degmada Aadan Yabaal kaas oo ugu kuur galay xaaladda ciidanka xoogga dalka.

Horseed Media