Golaha Wasiirada oo Cabduqaadir Cabdul u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Published: October 31, 2021

Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa waxa ay xilka qaadis ku sameeyeen Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Golaha Wasiirada u soo jeediyay in Agaasimaha cusub ee Hay’adda socdaalka iyo Jindiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya loo magacaabo Cabduqaadir Cilmi Cabdul iyadoo intaasi kadib Golaha Wasiirada ay meel mariyay magacaabista.

Magacaabistan ayaa imaanaysa iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen wararka la xiriira xilka qaadis ay doonayaan Golaha Wasiirada in ay ku sameeyaan xafiisyada Dowladda xiligan kala guurka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *