Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya ee Badda.

Published: February 21, 2024
Shares18

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in heshiiskani uu soo afjarayo in baddeenna iyo waxa ku jira looga baqo argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo, xadgudub iyo halis kaga timaadda dibedda.

“Heshiiskani waxa uu dhisaya, tababarayaa, isla markaana qalabeynayaa ciidankeenna badda, si ay ula wareegaan difaaca baddeenna. Heshiiskani waxa uu kordhinayaa wax soo saarka baddeenna iyo dhaqaalaha buluugga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga isgarab taaggooda xilliyo muhiim ah oo ay Soomaaliya soo martay iyo maanta oo lagu soo xadgudbay Qarannimada dalka.

Ilo ku dhaw heshiiska ayaa sheegaya in heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya uu socon doonno muddo 10 sano ah.

Heshiiskaan ayaa la filayaa in faahfaahin uu ka bixiyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta lagu wado in uu khudbad ka horjeediyo shir albabaabadu u xiran yihiin oo ay isugu imaanayaan labada Aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa imaanaya iyada oo dowladda Itoobiya ay hehsiis is-faham ah la gashey Somaliland kaas oo Itoobiya siinaya biyaha Soomaaliya in ay ka dhisan karto Saldhig ciidan, beddelkeedana ay ictiraafeyso Somaliland oo ah maamul sheegta in ay ka go’een Soomaaliya laakiin aysan jirin cid aqoonsatey, waxaana loo yaqaan Waqooyiga Soomaaliya.

Horseed Media