Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ka arrinsaday Hawlgalka La Dagaalanka Khawaarijta

Published: March 21, 2024

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo  yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey guulaha ciidamada amniga iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka dalka loo sifeynayo kooxaha nabad-diidka ah ee baneystay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha warbixin sanadeedka-2023 guulihii laga gaaray Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.

Horseed Media