Golaha Wasiirada Soomaaliya oo kulan laba maalmood soconaya uga furmay Muqdisho

Published: August 23, 2022
Shares96

Kulanka banbaxa golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Kulanka oo uu gudoomiyay Ra’iisul wadaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu lafa-gurayaa howllaha xukuumadda.

Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah waxaa sidoo kale looga hadli doonaa habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey furitaankii ayaa sheegay in kulankan aanu ahayn damaashaad iyo mid sawiro lagu gelaayo, ee waxa la doonaayo waa in la soo saaro qorshe hawleed dalka lagu badbaadin karo oo duruufo adag haystaan.

Xamse Cabdi Barre ayaa si faahfaahsan u akhriyey ujeedada shirkan lagu sheegay banbaxa oo ah kii labaad oo noociisa ah ee xukuumadda federaakku yeelato, waxaana uu ujeedooyinka ugu muhimsan ku sheegay.

  1. Dardargelinta nidaamka wada shaqeynta hay’adaha dowladda
  2. Falanqeynta hawlaha hor-tebinta u leh dowladda
  3. Adkeynta dhaqan-gelinta sharciyadda si waafaqsan dastuurka
  4. Fahamka iyo hoggaansanaanta xeer hoosaadka golaha wasiirada
  5. Dhawrista iyo hab-dhaqanka, heshiisyada lala galo hay’adaha kale
  6. Hagaajinta habka xogwadaagidda iyo la wadaagidda dadweynaha xog mideysan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *