Golaha Wasiiradda Jubaland Oo Ka Shiray Hawlgalada Ciidamada Ee Xoraynta Dalka

Published: July 9, 2023

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay howlgalada dalka lagu xoraynayo, dardar galinta mashaariicda socda iyo qodobo kale.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo xooga dalka kuwaas oo dhabar jab xoog leh lagu gaarsiiyay Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Jubaland ayaa maanta la wareegay degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose iyadoo halkaas khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaariijta ah.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay dardar galinta mashariicda dowlada ee hadda socda sidii qiimayn buuxda loogu samayn lahaa isla markaana loo hubin lahaa gabagabada inay u fuleen sidii loogu tala galay iyo bilowga mashaariicda cusub sidii ay u noqon lahaayeen kuwo taabogala.

Golahu waxa kale oo uu ka hadlay sidii mashariicda kala duwan ee dowlada loo gaarsiin lahaa gobolka Gedo isla markana bulshada deegaanka ay u heli lahayeen adeegyada kala duwan iyo shaqada laamaha kala duwan ee Dowladu ay bulshada u hayaan.

Horseed Media