Golaha Wasiiradda Puntland Oo Ka Shiray Qabsoomida Doorashada Golaha Shacabka

Published: December 16, 2021

Madaxweynaha dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo maanta khamiis ah ka qabsoomay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Shirkaan ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ugu horeeyo Amniga guud ee deegaanada Puntland iyo qodobo kale oo Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya ku saabsan.

Inta uu socday shirka golaha wasiiradda Puntland ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda, warbixinta gobollada Puntland iyo bilaabida doorashadda xildhibaanada golaha shacabka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Deni ayaa golaha wasiirada Puntland faray inay dardar-geliyaan howlaha shaqo ee Wasaaradahooda horyaalla, waxaana kulanka maanta ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *