Golaha Wasiirrada XFS oo shaaciyay in hoos loo dhigay weerarradii ay Al-shabaab ka geysan jireen dalka

Published: May 4, 2023

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey heshiiska Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo lagu lafa-guray guulaha ay ciidamadu ka gaareen xasillinta Caasimadda iyo xoreynta dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen xorreynta dalka oo suurta-gelisay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay Al-shabaab ka geysan jireen dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey heshiiska Iskaashi ee Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dib u cusbooneysiin ay ku sameeyeen labada dal.

Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga Wasiirrada ah ee loo xil saaray soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirmay dagaalka Suudaan, iyada oo lagu guuleystay in 1198 qof oo u badan arday wax ka baranaysay Suudaan lagu soo celiyo dalka, welina ay soconayaan howlaha daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Golaha ayaa soo dhaweeyey tallaabada hoos loogu dhigay qiimaha lacageed ee sannadkan ay ku tagi doonaan Xajka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka yar qiimihii sannadkii hore, taas oo ku timid tartan daah-furan oo ay galeen shirkadaha doonaya adeegga xujeyda.

Horseed Media