Golaha Xukuumadda Federaalka oo sharciyo cusub ansixiyey

Published: July 27, 2023

Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ayaa maanta ka qabsomey Muqdisho, iyada o ay dalka ka maqan yihiin madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo raysalwasaare ku-xigeenka, waxaana shir guddoomiyey Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali. Shirka yaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

war ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in shirka golaha xukuumaddu cambaareeyay weerarkii lala beegsaday Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.

Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;

  1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
  2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
  3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
  4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
  5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka
  6. Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.