Guddig SSC-Khaatumo oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay jihooyinka Laascaanood

Published: April 1, 2023

Dagaallo culus ayaa maanta ka dhacay jihooyinka durugsan ee magaalada Laascaanood, gaar ahaan dhinacyada waqooyiga iyo galbeedka.

War ka soo baxay Guddig sare ee SSC ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay saddex jiho kasoo weerareen magaalada Laascaanood.

Sidoo kale Guddiga Aayo katalinta SSC, ayaa sheegay in iska caabiyeen dagaalka ay Somaliland kusoo qaadday magaalada Laascaanood.

Waxay guddigu sheegeen inay gaadiid dagaal ka gubeen Somaliland, sidoo kalena uu jiro khasare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Warka ka soo baxay Guddig sare ee SSC ayaa lagu sheegay in dagaalku weli ka socdo meel 4km dhinaca bariga uga beegan magaalada Laascaanood.

Hadalka SSC ayaa kusoo aaday, iyadoo Somaliland ay sheegtay in dagaalka saaka dhacay ay ku qabteen maxaabiis uu kamid yahay xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland, oo lagu magacaabo Faarax Dalmar.

Horseed Media