Guddiga Dooorashooyinka Puntland oo ku dhawaaqay in codbixinta ay ku soo dhamaatay jawi wanaagsan

Published: October 25, 2021

Guddoomiyaha Guddiga KGM ah ee Doorashoyinka Puntland Guuleed Saalax Bare oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in doorashadii ku soo dhammaatay si habsami leh  xusayna inay jiraan dad goobaha qaar weli ku jira safafka cod bixinta saaka aroornimadii horana soo xaadiray, isagoo dadkaasi uu waqtigu ku dhacay u balan qaaday in howl wadeennada guddiga doorashoyinku ay u sii adeegi doonaan ilaa qof walba oo doorashada u soo baxay uu codkiisa dhiibanayo.

Guddoomiye Guuleed ayaa tilmaamay in goobaha ay ka soo idlaatay codaynta Muwaadiniinta ay markaba ka bilaabsnayso tirinta codadka, iyagoo ay goob joog ka yihiin wakiilada urur siyaasadeedyada iyo korjoogto isugu jirta Soomaali iyo ajaajib kala duwan.

Guuleed Saalax ayaa u mahadceliyay dadwaynaha codkooda dhiibanayay ee sadaxdaan dagmo kuna ammaanay inay sameeyeen dhabar adayg iyo dulqaad wada jira.

Dagmada Ufayna waxaa soo idlaaday codaynta dadwaynaha, iyadoo ay ka bilaabatay tirinta codadka dadwaynaha dhammaystirka dadka safafka ayaa ka socda xarumo hoos yimaada Dagmooyinka  Eyl iyo Qardho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *