Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Ka Hadlay Warar Laga Faafiyey

Published: August 13, 2021

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa qoraal kasoo saaray warqad saacadihii lasoo dhaafay si weyn baraha Bulshada loogu faafiyay, taasi oo ay ku qornaayeen habraaca doorasho Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in warqadda lagu sheegay in ay tahay habraac doorasho Golaha Shacabka, aysan ahayn mid sax ah.

“Dhammaan Daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed waxaan ku war gelinaynaa in aysan jirin wax habraac doorasho Golaha Shacabka ah oo uu Baahiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka heer federaal.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa si weyn la iskula dhexmarayay Warqad lagu sheegay in ay tahay habraac doorasho Golaha Shacabka, taasi oo qayb ka ahayd heshiiskii dowladda dhexe iyo dowlad Goboledyada dalka, waxaana guddigu caddeeyeen in gabi ahaanba ay tahay warqaddaasi mid wax kama jiraan ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *