Guddiga doorashooyinka Puntland oo natiijadii doorashada ku wareejiyey Maxkamadda sare

Published: June 12, 2023
Shares8

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Cabbdirisaq Axmed Siciid ayaa maanta ku wareejiyay Guddoomiyaha maxkamada sare Puntland AVV. Xasan Yuusuf Nuur Natiijada iyo liisaskii xildhibaanadii kusoo baxay Doorashadii qof iyo codka ahayd ee 30-ka degmo ka dhacday 25 May 2023.

Sida Xeerka doorashada iyo dastuurka Puntland dhigaayo Maxkamadda sare ayaa awood u leh ansixinta kama danbaysta ah iyo qadadida dacwoyinka doorashada. Waxaa xusid mudan in aan wax dacwo ah oo ku saabsan natiiijada doorashad la soo gudbin mudadii 10-ka Cisho ahayd ee xeerka doorashoyinka dhigayey.

Madasha labada Guddoomiye kula kala wareegayeen liisaska waxa goobjoog ahaa oo joogay garsoorayaasha maxkamada oo u horeeyo Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamada sare iyo xoghaya Guud ee TPEC.

Maxkamadda sare ayaa laga sugayaa in ay u dhawaaqdo natiijada, kadib waxaa bilaabaya dhisamaha maamulka degmooyinka ee ku yimid nidaamka xisbiyada.

Ilaa saddex degmo oo ay ku jirto caasimadda Puntland oo horey diiwaangelinta uga qaybgalay ayeysan doorashadu ka dhicin, taas oo sababaysa in aan xisbiyadii rasmiga ahaa ka soo dhex bixin doorashada 33 degmo, sidoo kale muddo xileedkii TPEC ayaan dhamaaneyn ilaa la qabto saddexda degmo ee harsan.

Horseed Media