Guddiga FEIT oo shaaciyey 299 Xildhibaan magacyadooda.

Published: March 31, 2022

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal ee FEIT ayaa shaaciyay liiska 299 Xildhibaan oo isugu jira Baarlamaanka labadiisa Aqalka kuwaas oo maalmaha soo socda lasiinayo shahaadada islamarkaana la dhaarinayo sida lagu sheegay war ka soo abxay gudoomiayaha FITE.

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal ee FEIT Muuse Geele Faroole oo ay labadiisa dhinac taagan yihiin labada Xogahyan ee labada Aqal ayaa ku dhawaaqey liiska.

Habka Liisku u soo baxay ayaa waxaa ka soo shaqeeyey Xafiiska Raysalwasare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana laga reebay ilaa afar kursi oo ay ka mid yihiin kursiga Fahad Xaaji Daahir Axmed, kursigii Jawaari iyo labo kursi oo kale oo laga soo dooro Koonfur Galbeed.

Lanbarada kuraasta la hakiyey ayaa kala ah :

Koonfur Galbeed

HOP103, HOP154, HOP204

Hirshabelle

HOP086

Dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa horey u sheegay in muddeynta dhaarinta Xidhibaanadu ay iska leeyihiin hoggaamiyaasha madashada wadatashiga ee ay ku jiraan madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada, guddoomiyaha Banaadir iyo Rayasalwasaaaha xukuumadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *