Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay guddiga dastuurka dalka ee Baarlamaanka DFS

Published: August 30, 2018

Guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Dalka, ayaa maanta guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay halka ay mareyso howsha guddiga oo ah dib uu eegista iyo la socodka dastuurka dalka gaar ahaan dhowrka cutub ee uu guddiga ka shaqeeyay, Waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Sheekh Cabdiraxmaan.

Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi xasan nuux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in labada guddi ay is dhaafsadeen talooyin muhiim ah oo la xiriira howsha dastuurka halka ay mareyso.

Sidoo kale guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka, ayaa sheegay in dastuurka dalka uusan mashruuc aheyn, balse uu yahay masiir Ummadeed, loona baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro sida uu sheegay habdhowraha golaha shacabka.

Guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka dalka, ayaa dadaal ugu jira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, waxaana wada shaqeyn toos ah ay kala dhaxeysaa guddiga joogtada ah ee golaha iyo guddoonka golaha Shacabka JFS iyo wasaarada Dastuurka ee Sooomaaliya.

Horseed Media

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *