Guddiga Qaramada Midoobay ayaa ku guuldareystay inay heshiis ka gaaraan dalabka xubinnimada Falastiin

Published: April 12, 2024
Shares4

Guddiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ogolaanshaha xubnaha cusub ayaa awoodi waayay in ay gaaraan go’aan ku saabsan in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, ayuu yiri Wakiilka dalka Malta, oo hadda haya guddoonka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha Abriil.

Vanessa Frazier, oo ah wakiilka joogtada ah ee Malta u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa hadalkeeda ku sheegtay “…inaysan jirin wax caqabad ah oo ku saabsan shuruudaha xubinnimada…”, taasoo muujineysa in saddex meelood labo meel guddiga ay taageereen xubinnimada.

Sannadkii 2011-kii, Falastiin waxay gudbisay dalab ay ku doonayso inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, balse waxay ku guul-darraysatay inay taageero ka hesho xubnaha Golaha Ammaanka. Waxaana horjoogsaday Mareykanka oo codkooda Veto u adeegsaday.

Ergeyga Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobay, Riyad Mansour ayaa ku dhawaaqay 2-dii Abriil inuu warqad u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo uu ku codsanayo in codsigooda xubinimadooda dib loo eego.

3-dii Abriil, Guterres wuxuu warqad u qoray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isagoo ku baaqaya in la tixgeliyo codsiga Falastiin.

Hannaanka lagu qaabilo xubnaha cusub ee Qaramada Midoobay ayaa ka billowda golaha ammaanka. Falanqaynta ka dib, goluhu wuxuu kadib arrinta u gudbiyaan Guddida Qabanqaabada Xubnaha Cusub.

Haddii ay guddigu aqbalaan, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waa in uu u codeeyaa, hadii xubnaha joogtada ahi aysan isticmaalin awoodooda diidmada qayaxan, ugu yaraan 9 kamid ah 15-ka xubnoodna ay u codeeyaan wuxuu noqonayaa ansax.

Haddii goluhu ansixiyo, waxaa arrinta loo gudbinayaa golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Oggolaanshaha xubinimada 193-da xubnood ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay u baahan tahay saddex-meelood laba meel cod aqlabiyad ah.

Falastiin ayaa heysta taageerada Aqlabiyada Golaha Loo Dhan yahay balse caqabad mar walba hortaagan ayaa ahaa Golaha Amaanka oo uu mar walba dalka Mareykanka codkiisa VETO ku horjoogsado aqoonsiga Falastiin, iyagoo ku xira in arrintan ay ku timaado wadahadal marka hore dhexmara Falastiin iyo Israel.

Laga soo bilaabo 1974-kii, Falastiin waxa ay UN-ta uga qayb qaadanaysay goobjooge ahaan.

Horseed Media