Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi…
Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan xildhibaano labada gole ka tirsan ayaa maanta oo khamiis ah gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Wararku waxay sheegayaan wefdigan waxaa u yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo dheer ku sugnaa Dhuusmareeb ujeedada ayaa ah in uu la sameeyo wadatashi ku aadan isbeddel iyo isku shaandheyn lagu samaynaayo xukuumadda kadib marka Raysalwasaare Xamze dalka dib ugu soo laabto, doorashooyinka Koonfur Galbeed ee soo dhawaadey iyo dagaalada socda ee dalka looga xoreynaayo al-Shabaab.
Dhuusamareeb waxaa hore muddo laba bilood ku dhaw ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Horseed Media