Guddoomiyaha Banaadir oo kormeeray dhismaha waddada Ex-Kontorol-Balcad iyo Shibis

Published: March 17, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dhismaha waddada isku xirta Isgooska Ex Kontorol Balcad ilaa KM-0 ee Degmada Shibis oo dhismaheeda meel wanaagsan maraya.

Ujeedka Kormeerka ayaa ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho ugu kuur galayey dhismaha waddadaasi oo muhiim u ah isku socodka Caasimadda, gaar ahaan Degmooyinka Heliwaa, Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay howlwadeennada dhismaha qaabilsan inay dardargeliyaan howsha ay hayaan, ayna xaqiijiyaan tayada agabyada lagu dhisayo waddada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *